Ganacsato Soomaaliyeed oo lagu boobay dalka Koonfur Afrika iyo cabsi wali taagan

Wararka ka imaanaya magaalada Johanesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in deegaan magaaladaasi hoostaga boob xoogan loogu geestay ganacsato ajaaniib ah ay ku jiraan Soomaali.

Boobka ayaa ka dhacay xaafada isku raranka ee Soweto oo hoostagta magaalada Johanesburg, waxaana boob xoogan loo geestay dukaaman ay Soomaali iyo Itoobiyaan ku lahaayeen deegaankaasi.

Sida aan wararka ku heleyno boobka ayaa yimid kadib markii ganacsato iyo dadka deegaanka isku dhaceen, waxaana isku dhacaasi markii dambe isku bedelay rabshado lagu boobay dukaaman badan.

Boobka ayaa saameyn badan ku yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool deegaanka Soweto iyo deegaano ku dhaw dhaw, waxaana qaar kamid ah ganacsatada oo boobka ka bad baaday lagu qasbay in alaabahooda rartaan.

Cabsi ayaa wali ka jirta deegaanka Soweto iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw, waxaana ganacsatada qaar bilaabeen in hantidooda la baxaan halka kuwa kalana ay feejignaan uga jiraan in la boobo.

Dalka Koonfur Afrika ayaa si joogta ah loogu dhibaateeyaa dadka ajaaniibta ah ee ku jiraan Soomaalida, waxaana marar badan dalkaasi boob iyo dilal loogu geestay ganacsato Soomaaliyeed oo dalkaasi nolol u raadsatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -