Warbixintii ugu dambeysay xaalada cudurka COVID-19 ee gudaha Soomaaliya

Wasaaradda Caafimaadka Somalia ayaa sheegtay in 24kii saacadood ee la soo dhaafay laga helay cudurka Coronavirus dad gaaraya 105 qof dalka oo dhan.

“Maanta sabti ah waxaa cudurka laga helay dad cusub oo tiradoodu gaareyso 105 qof kuwaasoo 65 ka mid ah yihiin rag, halka 40 kalena ay yihiin dumar, waxayna tirada guud ee dadka cudurka laga helay Somalia oo dhan ka dhigeysa 6, 549 qof inta laga warqabo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada Caafimaadka.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in 90 ka mid ah dadka maanta laga helay cudurka ay joogaan Muqdisho, halka Jubbaland 10 laga helay, Koonfur galbeed 2, Hirshabelle 2, iyo Galmudug oo 1 ah.

Wasaarada waxay intaas ku dartay in dad gaaraya 3 qof ay 24kii saac ee la soo dhaafay u dhinteen cudurka kuwaasoo dhamaantood ku sugnaa Muqdisho.

Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Somalia ayaa horey u sheegtay in kiisaska cudurka ee laga helayo dalka ay sare u sii kaceyso maalinba maalinta ka dambeysa, loona baahan yahay shacabka iney ku dhaqmaan talooyinka ka hortaga ah si yareeyo faafida cudurkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -