Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo tagay Hotelka Xayaat lana hadlay Warbaahinta

Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed janeraal Cabdi Xasan Xijaar, oo goordhaw warbaahinta kula hadlay hotelka Xayaat ayaa sheegay in ciidamada dowladda soo afjareen weerarkii hotelka lagu qaaday.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidanka dowladda weerarka Al Shabaab ku galeen qeybo kamid ah dhismaha hotelka Xayaat soo afjareen xalay saqdii dhaxe, waxa uuna xusay in hadda ciidamada amniga si buuxda gacanta ugu hayaan hotelka.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday hotelka Xayaat uu ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxa uuna tilmaamay taliyaha in khasaaraha dib kasoo sheegi doonaan kana war sugayaan wasaaradda caafimaadka.

Taliyaha ciidanka booliiska ayaa sheegay intii howlgalka socday in ciidamada amniga soo badbaadiyeen dad ka badan 100-qof oo ku sugnaa gudaha hotelka, waxa uuna xusay in ciidanka dadaal badan u galeen badbaadinta dadkii hotelka ku sugnaa.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidamada booliiska howlgalo nadiifin ah ka wadaan dhismaha hotelka, waxa uuna shaaciyay in xaalada hadda gacanta ku hayaan ciidamada amniga lana soo afjaray howlgalkii saacadaha badan qaatay.

Ciidamada dowladda ayaa 27-saac ka badan ku qaadatay in ay soo afjaraan weerarkii Al Shabaab ku qaadeen hotelka Xayaat, waxaana hotelka weerarka lagu qaaday ku dhintay dad ka badan 30-qof halka tiro intaa ka badana ku dhaawacmeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -