Aadan Madoobe oo la kulmay guddiga talo bixinta fowdadii ka dhacday Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa caawa hoygiisa Kulan kula qaatay Guddiga KMG ah ee Ka tala bixinta dhacdadii 07/08/2022 Ka dhacday xarunta Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha ayaa Guddiga Kula dardaarmay in ay kasoo tala bixiyaan fowdadii Golaha Ka dhacday kulankii 14aad ee Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka BJFS isagoo usheegay in ay warbixin dhameeystiran ka keenaan.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Ka aqbalay cudur daarkii uu soo gudbiyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo markii hore ka mid ahaa guddigan, waxaana uu ku bedddalay Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Axmed (Abuukaato).

Shiikh Aadan Madoobe ayaa guddigan u xilsaaray iney soo baaraan dhacdadii nidaam darada aheyd ee 7dii bishan ka dhacday Xarunta Golaha, halkaasoo dhowr Xildhibaan ay fowdo ka sameeyeen fadhiga, halka mid ka mid ah Xildhibaanada uu Guddoonka ku tuuray caag, waxaana Xildhibaanadan ay isku dayayeen iney carqaladeeyaan ansixinta xukuumada cusub oo maalintaas loo qaadayey codka kalsoonida.

.

- Advertisement -