Musharaxiin Soomaali ah ay ku jirto Ilhan Cumar oo kusoo baxay doorashadii Xisbiga Dimuqraadiga

Musharaxiin asalkoodu Soomaali yahay oo ay ku jirto Xildhibaanada caanka ah ee Ilhaan Cumar ayaa ayaa kusoo baxay doorashada horudhaca ah xisbiga Dimuqraadiga ah ee ka dhacday gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Ilhaan Cumar iyo musharaxiinta kale ee Soomaalida waxa ay kasoo adkaadeen musharraxiintii kale ee la tartamayay, iyaga oo isku diyarinaya doorashada ay kaga hortayaan musharaxiinta usoo baxa Xisbiga Jamhuuriga.

Senator Cumar Faatax ayaa dib u helay kalsoonida xisbigiisa. Zainab Mohamed ayaa iyana kusoo baxday doorashadii kurisga Aqalka sare ee Gobolka Minnesota, halka Samakaab Hussein uu iska ku guuleystay doorashada tartanka xildhibaan Aqalka hoose ah.

Musharaxiintan Soomaaliyeed ee guulaha ka gaaray doorashada horu dhaca ah ee ka dhacday gobolka Minnesota ayaa wajihi doona musharaxiinta mataleysa xisbiga Jamhuuriga ee iyana doorashada kusoo baxay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -