Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay geerida ciyaaryahan katirsanaa Xulka Galmudug

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Muxyadiin Cabdi Muriid, oo katirsanaa ciyaartoydii xulka kubadda cagta Galmudug ee dhawaan ku guuleestay tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Ciyaaryahanka ayaa la sheegay in shalay ku xanuunsaday magaalada Dhuusomareeb uu u tagay dabaal-dega guusha Galmudug, waxa uuna maanta ku geeriyooday ciyaaryahanka isbitaal lagu daweenayay oo Dhuusomareeb kuyaalla.

”Ilaahey ha u naxariisto Muxyadiin Cabdi Muriidi oo ka mid ahaa halyeeyadii xulka Galmudug u qaaday koobkii ciyaaraha. Waxaan ehelkiisa iyo asxaabtiisa la wadaageynaa xanuunka geerida. Ilaahey haka sabar siiyo” ayuu yiri madaxweyne Qoor Qoor.

Ciyaaryahankan geeriyooday ayaa ciyaaray kulamadii ugu horeeyay Galmudug, isaga oo ka ciyaarayay garabka difaaca, waxaana la sheegay intii tartanka socday in Muriidi xanuun lasoo darsay, taa oo keentay in uu seego kulamadii ugu dambeeyay ee Galmudug ciyaartay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble oo qaatay go’aan adag iyo khilaaaf ka dhex jiray musharaxiin caan ah oo..

Caydiid Ali

Madaxweyne Cagjar oo xabsiga dhigay Mas’uuliyiin, kuwa kalena shaqada ka eryey

Caydiid Ali

CC Warsame” Dalkeenna hadda dowlad kama jirto ee Qalfoof ayaa ka jirta”

Cabdi Cade
Taboola Ads ---