Wararkii ugu dambeeyey tirinta codadka doorashada Kenya iyo Musharax ku horeeya

Tirinta codadka doorashadii maanta ka dhacday dalka Kenya ayaa weli socota, waxaana soo baxaya natiijooyin hordhac ah oo la xiriira codadka ilaa hadda la tiriyey.

Codadka doorashada Kenya oo ku soo dhacaya Xarunta dhexe ee Bomas ayaa muujinaya in William Ruto uu hogaaminayo, illaa iyo hadda codadkii la dhiibtay, wuxuuna  helay  51.33%, halka Raila Odinga oo marayo – 48.05%

Sida goor dhow la shaaciyay waxaa illaa iyo hadda la tiriyay codadka 18,008 goob wadarta guud ee goobaha laga codeeyay guud ahaa Kenya ayaa gaaraya 46,229 barood. Sida lagasoo xigtay Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha Kenya ee IEBC.

Natiijada rasmiga ah ayaa la filayaa in saacadaha soo socda la shaaciyo marka la soo gebagebeeyo tirinta codadka dhiman oo aad uga badan kuwa illaa hadda la tiriyey.

 

- Advertisement -