Sargaal katirsan Milatariga Soomaaliya oo la dilay iyo ninkii dilay oo isna la toogtay

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxaa dil loogu geestay sargaal katirsanaa ciidanka milatariga Soomaaliya, waxaana dilka sargaalkan loo geestay kasoo baxaya warar kala duwan.

Sida aan wararka ku heleyno nin hubeesan ayaa toogtay Korneyl Maxamed Buule oo  kamid ahaa Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan qeybta 43aad, waxaana goobta sargaalkan lagu dilay ku sugnaa ciidamo katirsanaa kuwa ammaanka.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ciidamadii goobtaasi ku sugnaa isla goobtaasi ku dileen nin la sheegay in uu ka danbeeyay dilka magaalada Kismaayo loogu geestay Korneel Maxamed Buulle.

Ciidamo badan oo katirsan maamulka Jubbaland ayaa soo gaaray goobta dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaano adag ay ku raadinayaan kooxo kale oo ku lug lahaa dilka sargaalkan loo geestay.

Sargaalkan la dilay ayaa caan ka ahaa magaalada Kismaayo, waxa uuna hoggaamiyay kana qeyb galay dagaalo badan oo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland la galeen kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -