Qaraxyo dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Duleedka magaalada Kismaayo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in maanta qaraxyo khasaaro badan geestay uu ka dhacay deegaano kuyaalla duleedka magaaladaasi.

Sida aan wararka ku heleyno qaraxyo loo adeegsaday miinooyin hareeraha waddooyinka la galiyay ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Kismaayo iyo deegaanka Buula Xaaji , waxaana qaraxyadaasi ka dhashay khasaaro badan.

Dad ku dhaw toban qof ayaa wararku sheegayaan in qaraxyada miino ku dhinteen, waxaa sidoo kale qaraxyadaasi ku dhaawacmay dad kale oo loo soo qaaday isbitaalada Kismaayo, dadka waxyeelada soo gaartay ayaa la sheegay in dhammaan shacab ahaayeen.

Qaraxyada miino ayaa haleelay gaadiid ay la socdeen dad shacab ah oo kusoo jeeday magaalada Kismaayo, waxaa sidoo kale qaraxyada ku dhintay xoolo badan oo iib ahaan loogu soo waday magaalada Kismaayo.

Maamulka Jubbaland ayaan wali ka hadlin khasaaraha ka dhashay qaraxyadan miino ee maanta halkaasi ka dhacay, waxaana qaraxyadan saameynta ka dhalatay laga dareemayaa magaalada Kismaayo iyo deegaano kale oo hoostaga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

gaari buula xaaji 4 gri 2 qof

- Advertisement -