Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Laftagareen oo la kulmay Madaxda iyo Odayaasha Dowlad Deegaanka Soomaalida (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo safar shaqa ku jooga Magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa kulan la qaatay Odeyaasha iyo Waxgaradka Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Madaxweynaha oo kulanka Odeyaasha ay ku wehlinayeen Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafa Cagjar,Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale ayaa kulankooda diirada ku saaray iskaashiga Amni labada Shacab Taageerida Ciidanka ka qeyb qaadanaya La Dagaalanka Argigixisada Alshabaab iyo ka wada shaqaynta Is dhexgalka Bulshada.

Madaxweyne Laftagareen ayaa Shacabka iyo Mas’uuliyiinta Dowlad Deegaanka Soomaalida uga Mahadceliyey Soo dhoweyntooda Walaalnimo iyo sida ay uga goantahay Xoojinta ka wada shaqaynta Xaqiijinta Amniga Labada Xuduudood.

Madaxda maamulada Koonfur Galbeed iyo dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa arrimo badan kawada hadlay kana heshiiyay, waxaana ugu muhiimsanaa qodobada ay ku heshiiyeen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Gaari Ambulance ah oo lagu qarxiyey dalka Kenya iyo dad Soomaali ah oo ku dhintay

Caydiid Ali

Weerar xeeladeysan oo caawa ka dhacay degmada Afgooye & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Dhagarta ku duugan sababta Itoobiya u dheereyneyso Wadahadalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---