Muuse Biixi oo kulankii ugu horeeyey la qaatay danjire James Swan (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ambassador James Swan kuwaasoo maanta gaaray Hargeysa.

Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay wefdiga uu hoggaaminayo James Swan ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin hirgelinta mashaariicda kala duwan ee hay’adaha Qaramada midoobay ka wadaan Somaliland, sidii labada dhinac ay iskaga kaashan lahaayeen ka miro dhalinta hawlaha bani’aadamnimo ee dalka ka socda iyo arrimo kale.

Kulanka kaddib, waxa saxaafadda si wada-jir ah ula hadlay wasiirka horumarinta maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Amassador James Swan, waana ay tilmaameen in kulankaasi kusoo dhammaaday guul iyo is afgarad.

Wakiilka gaarka ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan  Soomaaliya, Ambassador James Swan, ayaa ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilnad uga mahadnaqay sida diirran ee uu usoo dhaweeyey, isagoo bogaadiyey horumarka ay Somaliland ka gaartay dhinacyada, ammaanka iyo dhaqaalaha.

Waxa uu sidoo kale guul ku tilmaamay xalka ay madaxda qaranku ka gaareen caqabadihii ka taagnaa qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo wakiillada, taasoo uu calaamad u ah horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku socoto.

Sidoo kale, waxa uu wakiilku hoosta ka xarriiqay inay dedaal badan geliyeen kor u qaadista hawlaha bani’aadamnimo iyo gacan siinta bulshada nugul iyo qaxootiga ay qaramada midoobay caawiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -