Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Laftagareen oo kulan xasaasi ah la qaatay Taliyaha ciidanka Liyu Boolis (Sawirro)

Taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga gaarka ah ee Deegaanka Soomaalida General Mohamed Ahmed iyo Madaxa howlgalinta Ciidanka Qaranka Ethiopia Major General Tesfaye Ayalew ayaa ka dagay magalada Baydhabo ee Xarunta Maamul Gobolkeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxay magalada Baydhabo kulan kula qaateen Madaxweynaha Maamul Gobolkeedka Koonfur Galbeed, Abdiasis Laftagareen.

Saraakiishan ayaa Baydhabo ka hor soo maray degmada Xudur ee Gobolka Bakool, iyadoo Socdaalka wefdigaan uu la xiriiro Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo maalmihii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaannada ku yaalla Xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxay kulamo la soo qaateen Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Bakool, mas’uuliyiinta gobolka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Taliyaha ciidanka Xooga gaarka ah ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (Liyu Boolis), General Mohamed Ahmed Mohamud (Xaaji)  ayaa sheegay in masuuliyiinta gobolka Bakool ay wada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen xaqiijinta amaanka xuduuda, loona wadaagi lahaa xogaha dhinaca sirdoonka ah Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa dhowaan weeraro xoogan ku qaaday xadka degaanka Soomaalida uu la wadaago gobolada Bakool iyo Hiiraan, waxaana dagaaladaas ku dhintay boqolaal qof oo u badan u badan dhinacyadii dagaalamay.

Related posts

Mucaaradka oo Booliska DF ku soo celiyey gaari lagala goostay iyo Muuse Suudi oo..

Caydiid Ali

Kenya oo Shaacisay in Dowlada Somalia raali ka aheyd wafdigii uga qeyb galay Caleemo saarkii Axmed Madoobe

Cabdi Cade

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Khayelitsha iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---