Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cali Guudlaawe oo ka hadlay howlaha horyaala Wasiirada cusub ee Hirshabelle

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa uga mahadceliyay  Mudanayaasha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle oo maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Golaha cusub ee Xukuumada Dowladda Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Gudoonka iyo Mudanayaasha Baarlamaanka la wadaagay waxqabadka looga fadhiyo xukuumadiisa cusub waxa uuna sheegay in si deg deg looga howlgali doono arrimaha amniga, Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo baahinta adeegyada Bulsho.

Madaxweynaha ayaa balanqaaday in si dhow ay u wadashaqeyn doonaan Golaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiiirada waxa uuna codsaday in wasiirada lagula xisaabtamo waxqabadkooda shaqo.

Cali Guudlaawe ayaa magacaabay gole Wasiiro oo ka kooban 81 xubnood xili Hirshabelle ay la daalaa dhaceyso dhaqaale xumo iyo horumar la’aan, waxaana la isweydiinayaa halka wasiiradan faraha badan looga keeni doono miisaaniyad ay ku howlgalaan iyo mushahar.

 

Related posts

Maxaa ka jira in Puntland mushaarka ka jartay ciidanka ku sugan Khatumo

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Xukun dil ah ku fulisay labo nin oo kala geyn jiray lamaanayaasha is qaba

Cabdi Cade

Rooble oo fuliyay Balan uu ka qaaday Xasan Sheekh iyo Shaki soo kala dhax galay Musharaxiinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---