Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Khayelitsha iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo burcad hubeesan ayaa xalay fiidkii dukaan kuyaalla xaafada side B oo ka tirsan Degmada isku raranka ah ee Khayelitsha ee magaalada Magaalada Cape Town ,ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo halkaasi ka shaqeenayay.

Burcada hubeesan ayaa la sheegay in rasaas la dhaceen sidaasna ku dhintay Hassan Ahmed Abdulle oo ku sugnaa dukaanka la weeraray, waxaana dilka kaddib kooxda burcada ah horay usii qaateen lacago iyo agabyo kale oo dukaanka yaalay.

Ciidamo katirsan booliiska dalka Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay, waxa ayna saraakiisha ciidanka sheegeen in ay baarayaan falkan dilka ah ayna gacanta kusoo dhigayaan kooxihii ka dambeeyay.

Deegaanka Khayelitsha oo hoostaga magaalada Cape Town waxaa goobo badan oo ganacsi ku leh ganacsato Soomaaliyeed, waxaana deegaankan uu kamid yahay deegaannada sida weyn loogu dhibaateeyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool.

Dalka Koonfur Afrika waxaa sannadihii lasoo dhaafay lagu laayay kumanaan Soomaali ah oo u badan dhallinyaro, dadkan la dilay ayaana dalkaasi u tagay in ay nolol ammaan ka helaan, balse la kulmay xaalad ka duwan tii dalkooda hooyo uga carareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Cabdullaahi Bin Salem

Cabdi Cade

Xukuumadda Federalka oo ku guuleysatay inay la wareegto Isbitaalladda Banaadir & Martini

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo Kormeer ku tagey Dekadaha Tajoro iyo Gubeet (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---