Kenya oo Shaacisay in Dowlada Somalia raali ka aheyd wafdigii uga qeyb galay Caleemo saarkii Axmed Madoobe

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in dowlada federaalka Soomaaliya ay raali ka aheyd kana warheysay Wafdigii dowlada Kenya u dirtay Caleemo saarkii Madaxweynaha Jubbaland ee lagu qabtay magaalada Kismaayo.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, Macharia Kamau oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in wafdigii Kenyaanka ahaa ee ka qeyb galay caleemo saarka doorashadii Axmed Madoobe halkaasi ku tageen ogolaanshaha dowlada Soomaaliya.

Macharia Kamau, ayaa sidoo kale doorasho si xur iyo xalaal u dhacday ku sheegay doorashadii uu kusoo baxay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, hadalka masuulkan ayaana muujinaya in dowlada Kenya aqoonsan tahay Axmed Madoobe.

”Kenyaan-ka jooga Soomaaliya oo ay ka mid yihiin kuwii dhawaan halkaas u tegay sidii ay ugu dabbaaldegi lahaayeen guusha doorashadii xorta iyo xalaalsha ahayd ee sida nabdoon uga qabsoontay Jubaland, waxay halkaas ku joogeen aqoonsi iyo oggolaansho ay ka heysteen dowladda Soomaaliya, qasab kuma aysan tegin halkaas, dowladda Soomaaliya si buuxda ayay uga warheysay”, Macharia Kamau.

Waxa uu sheegay Macharia Kamau in aysan jirin wax xadgudub ah ay sameysay dowlada Kenya, waxa uuna tilmaamay in dowlada Soomaaliya ay sii ogeyd wafdiga Kenyanka ah ee Kismaayo u tagay Caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland.

Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya,ayaa sidoo kale sheegay diyaaradii jabisay amarkii dowlada Soomaaliya ee ka degtay Kismaayo in aysan shaqo ku laheyn, waxa uuna tilmaamay in diyaaradaasi aheyd mid Soomaaliya laga leeyahay.

”Diyaaradaas la sheegay in ay tahay diyaarad laga leeyahay dalka kenya, ma ahayn sidaas oo waxay ahayd diyaarad yar oo ay Soomaali leedahay, mana jirto in diyaaradaas ay ka diiwaan gashan tahay dalka Kenya”, ayuu yiri Macharia.

Dowlada  Soomaaliya ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaantay doorashadii uu ku guuleestay Axmed Madoobe, waxa ayna dowlada ka carootay wafdigii Kenyanka ahaa ee ka qeyb galay Caleemo saarka Axmed Madoobe iyo diyaaradii jabisay amarkii xayiraada Kismaayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -