(Sawirro) Milateriga Somalia oo soo bandhigay hub ay ka furteen kooxda Al-Shabaab

Ciidanka Xooga dalka ayaa degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ku soo bandhigay hub ay saraakiisha ciidamadu sheegeen in shalay deegaanka Bukure loogu soo furtay dagaal ay la galeen Al-Shabaab.

Saraakiisha horkaceysay howlgalka ayaa sheegay dileen tiro ka mid ah Al-shabaab, ayna sii wadayaan howlagallada ka dhanka ah kooxdaas ilaa ay ka saarayaan degaannada ay maamulaan.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan oo howlgallada hogaaminaya ayaa ku cel celiya inay Al-Shabaab ka saari doonaan waddooyinka u dhaxeeya degmooyinka, Beledweyne, Maxaas iyo Matabaan

Degaanka Bukuro ee gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda oo taageero ka helaya maleeshiyaad degaanka ah iyo Al-Shabaab.

- Advertisement -