Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Puntland mushaarka ka jartay ciidanka ku sugan Khatumo

Wasaaradda Amniga maamulka Puntland, ayaa qoraal ay soo saartay ku beenisay warqad lagu baahiyay baraha bulshada, taa oo lagu sheegay in maamulka mushaarka ka jaray ciidamada Puntland ee ku sugan furumaha hore ee dagaalka ee SSC Khaatumo, gaar ahaan aagga Tukaraq.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Puntland, ayaa lagu caddeeyay in ay been abuur tahay warqada la faafiyay, waxa ayna Wasaaradda sheegtay in warqadaasi aysan marnaba kasoo bixin xafiiska Wasiirka , waxa ayna Wasaaradda amartay in tallaabo laga qaado dadkii sameeyay been abuurkaasi.

“Wasaaradda Amniga Puntland waxay halkaan ka cadaynaysaa in warqadda tixraaceeda lagadhigay XW/MOS/DDR/PL/059 taas oo ujeedo looga dhigay Joojita Mushaharka Ciidamada ku sugan Furimaha Tukaraq & SSC-Khaatumo laguna taariikheeyay Abriil 14 2025, ay tahay warqad been abuur ah oo aan waxba ka jirin islamarkaana aysan kasoo bixin xafiiska Wasiirka Amniga Puntland.”

Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhismaha cusub ee Xamar Weyne Mall oo xariga laga jaray (Sawirro)

Caydiid Ali

Wakiilo kala matalaya dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland oo Nairobi ku kulmaya

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Diyaaradii ku bur burtay garoonka Aadan Cadde (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---