Guddoomiyaha golaha shacabka oo Amar siiyay Madax qeybeedyada golaha shacabka (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay weheliyaan ku-xigeennadiisa ayaa kulan la qaatay Xoghayaha guud, Ku xigeenada xoghaya iyo Agaasime waaxeedyada Golaha Shacabka JFS.

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa warbixino Ku saabsan shaqooyinka ay qabtaan, howlaha u qabsoomay iyo qorshayaasha u yaala Ka dhageystay xubnaha.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa faray Madax qeybyada Golaha Shacabka in ay dardargeliyaan shaqooyinka ay u hayaan Golaha shacabka Isla markaana waax-waax loola xisaabtami doono.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa sidaan oo kale shalay kulan ula qaatay qaar kamid ah shaqaalaha xarunta golaha shacabka, kuwaa uu kula dardaarmay dardargelinta shaqada ay hayaan.

- Advertisement -