Isimada Puntand oo 8 qodob ka soo saaray dagaalkii ka dhacay Boosaaso (Akhriso)

Isimada beelaha Puntland ayaa iskugu yimid kulan gaar ah oo looga arinsanayey dagaalkii saddexda cisho socday ee ka dhacay magaalada Boosaaso.

Shirkan oo uu gudoominayey Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ah beelaha Daarood ayaa laga soo saaray qobobo hordhac ah oo lagu xalinayo dagaalka Boosaso kuwaasoo u qornaa sidan hoose.

1-Waxay sheegeen Inay ka xun ihiin Dhacdadii Foosha xumayd ee ka Dhacday Magalada Bosaso maalmihii Lasoo Dhaafay.

2- Waxay Soo dhoweyeen una Mahad celiyeen Go’aan kii madaxweynaha Dowlada Puntland Uu ka qaatay Arintii Dhacday.

3-Waxay Ku Baaqeen in Magaalada  lagu soo laabto dadkuna Isdejiyaan oo Guryahooda ku soo Laabtaan.

4-Waxay ku Baaqeen In Loo Gurmado Dadkii ka Barakacay Magaalada iyo Dadkii Waxyeeladu Gaartay Dhamaantoodba.

5-In khasarihii  ka dhacay Magaalada  la baaro dhinac kasta oo Ay tahayba.

6-Maadaama Ciidamada Dowlada Madaxweynuhu Amray in ay Goobo Hooda Jogaan Anagana Waxaan Amraynaa In ciidama kale Ay Meelohoodii Ku Negaadaan.

7-Waxay Isimadu Dadka Reer Puntland ugu Baaqeen In ay Nabada ka shaqayyaan oo gacmaha isqabsaan.

Sidoo kale waxay Madaxweynihii Hore C/raxmaan faroole ugu Baaqeen inuu Raali gelin ka bixiyo Hadalkii xanafta lahaa ee Uu Isimada U geystey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -