Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Rasaas lagu furay guri uu Dhuusamareeb ka degan yahay Shiikh Shaakir

Rasaas ayaa caawa laga maqlay Xarunta Inji oo ay degan yihiin Madaxda Sare ee Ahlu sunna Waljameeca iyo Guddigii Doorashada Galmudug ee uu Magacaabay Sheekh Shaakir.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugan xarunta Shiirkole ayaa la soo sheegayaan iney ka dambeeyeen rasaasta, waxaana jirta xiisad halkaas ka taagan.

Masuuliyiin ku sugan Dhuusamareeb ayaa xaqiijiyey in ciidanka dowladda ay rasaaseeyeen xarunta uu ku sugnaa Sheekh Shaakir xili gurigaasi laga dhisayay Koolba Waardiye ama meelaha loogu talo galay in ciidanku ay wax ka ilaaliyaan.

Lama sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay rasaastan mana cadda sababta ciidamada dowladu u rideen balse saraakiil ciidan ayaa wada dedaalo lagu qaboojinayo xiisada si looga baaqsado isku dhac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Aadan Madoobe oo kala hadlay Kate Foster Shirka Baydhabo ka furmaya (Sawirro)

Cabdi Cade

Safaaradda Mareykanka oo ka hadashay aqoonsiga DF siisay Axmed Madoobe

Caydiid Ali

Taliye Sambaloolshe oo xilal cusub u Magacaabay saraakiil ka tirsan NISA

Caydiid Ali
Taboola Ads ---