Dowladda Dhaxe ee Itoobiya oo War kasoo saartay dagaalkii Al Shabaab iyo Liyuu Booliis

Dagaal dhiig badan ku daatay ayaa gudaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan gobolka Afdheer waxa uu ku dhax maray dagaalyahano katirsan Al Shabaab iyo ciidamada dowlad deegaanka ee loo yaqaan Liyuu Booliis.

Dowlada dhaxe ee federaalka Itoobiya ayaa markii ugu horeesay war saxaafadeed kasoo saartay dagaalka dhax maray dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidamada Liyuu Booliis oo garab ka helayay milatariga Itoobiya.

Warka kasoo baxay dowladda federaalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in Al Shabaab lagu jabiyay duullaankii ay kusoo qaadeen Itoobiya, waxaana warka lagu sheegay in Al Shabaab laga dilay in ka badan 280-dagaalyahana kuwa noolna laga qabtay.

“Al-Shabaab damacoodu waxa uu ahaa in ay ka gudbaan deegaanka Ceel-Karri si ay u gaaraan dhulka jooggiisu sarreeyo ee ka billowday halkaas iskuna xira deegaannada Soomaalida iyo Oromada si ay khalkhal u sameeyaan jabhadna halkaas uga noqdaan iyagoo ku biiraya kooxda Shene,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay dowladda dhexe.

Dowladda federaalka Itoobiya ayaa warka kasoo baxay sidoo kale lagu sheegay in Al Shabaab dagaalka intii uu socday lagala wareegay hub aad u badan iyo sidoo kale lagala wareegay inta badan qalabkii isgaarsiinta.

Dagaalka dowlad deegaanka ku dhax maray Al Shabaab iyo ciidamada Liyuu Booliis ayaa labada dhinac ee dagaalamay guulo ka sheegteen, waxaana dagaalkan la sheegay in uu ka dhashay khasaaro badan oo labada dhinac kala gaaray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -