Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xildhibaanada Federaalka ee heysta dhalashada UK oo la shiray safiirkooda Muqdisho (Sawirro)

Xildhibaanada Baarlamanka federaalka Soomaalida ah ee heysta dhalashada Britain ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka dalkaas u fadhiya Soomaaliya.

Safaaradda UK ee Muqdisho oo kulankan uu ka dhacay ayaa iskula soo qaaday xaaladda guud ee Soomaaliya, xiriirka labada dal iyo waxyaabaha la mid ka ah.

Xildhibaanada federaalka ayaa intii uu kulanka socday Waxaa loo soo bandhigay habka ay u socoto kaalmada UK ku bixiso Soomaaliya.

Qodobada kale ee la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa xoojinta xiriirka Ingiriiska iyo Soomaaliya oo ay si wadajir ah uga shaqeynayaan safaaradda UK ee Muqdisho iyo Xildhibaannada heysta dhalashada Ingiriiska ee ku jira Baarlamanka Soomaaliya sida lagu daabacay bogga Twitterka ee ee safaarada UK Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen oo war ka soo saaray doorashada iyo ciidanka Kenya oo ku lug yeeshay..

Caydiid Ali

Koox ka socotay Kenya oo lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada Somaliland (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

NISA oo soo bandhigtay fanaan ka tirsanaa DF oo qirtay inuu ka mid yahay Al-Shabaab (Video)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---