Ciidamada Kumaandooska Danab oo sii daayay Maxaabiis Al Shabaab u xirneed (Sawirro)

Cciidamada ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee kumaandooska Danab iyo ciidamada gaarka ah ee maamulka Jubbaland ayaa howlgal wadajir ah ka fuliyay deegaano Al Shabaab kaga sugnaayeen duleedka Kismaayo.

Warbaahinta maamulka Jubbaland ayaa baahisay in ciidamada si gaar ah howlgalka uga fuliyeen tuulada Kaamjaroon iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw oo fariisin ku lahaayeen xubno katirsan Al Shabaab.

Ciidamada Danab iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa markii ay tageen tuulada Kaamjaroon, waxaa halkaasi isaga tagay dagaalyahanadii Al Shabaab ee horey ugu sugnaa tuuladaasi.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada wada jira ayaa xabsiyo kuyaalla tuulada Kaamjaroon kasii daayay maxaabiis la sheegay in Al Shabaab u xirnaayeen, waxa ay sidoo kale ciidamada burburiyeen xarumihii Al Shabaab ku lahaayeen tuuladaasi.

Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa howlgalo gaadmo ah mararka qaar ka fuliya deegaano kuyaalla gobolada Jubadda Hoose iyo Shabeelaha Hoose oo ay ku leeyihiin saldhigyo waa weyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -