Shacab careesan oo galay xarun Baarlamaan oo amaankeeda si weyn loo ilaaliyo (Sawirro)

Boqolaal dadweyne careesan ah ayaa gudaha u galay xarunta baarlamaanka dalka Ciraaq, oo kutaalla goob amaankeeda si weyn loo adkeeyo , ciidamada amniga ayaana ku fashilmay in dadka banaan baxaya ka celiyaan in ay galaan xarunta baarlamaanka.

Dadka banaan baxa dhigayay oo si weyn u taageersan wadaadka shiicada ah ee Muqtada al-Sadr ayaa kasoo horjeeday in Ra’isul Wasaaraha Ciraaq loo magacaabo siyaasi si weyn isaga soo horjeedeen xisbiga Al-sadr.

Dibad baxayaal badan oo kasoo horjeeda siyaasiga loo magacaabay xilka Ra’isul Wasaaraha ayaa xoog ku jiiray ciidamada booliiska oo adeegsanayay sunta dadka ilmada ka keenta, waxa ayna dadka sidoo kale galeen xarumo kale oo dowladda leedahay.

Isbaheysiga uu hoggaamiyo wadaadka Muqtada al-Sadr ayaa bishii Octoper ku guuleestay kuraastii ugu badneed ee baarlamaanka, waxa ayna isbaheysigan rejo ka qabeen in xilka Ra’isul wasaaraha helaan balse waxaa loo magacaabay musharax kasoo horjeeda.

Ra’isul wasaaraha Ciraaq, Mustafa al-Kadhimi, ayaa ugu baaqay dibad baxayaasha inay ka baxaan dhismaha, waxa uuna ciidamada amaanka ka dalbaday in ay xaqiijiyaan amniga kana hortagaan khalalaasaha.

Wadaadka shiicada ah ee Muqtada Al-sadr iyo taageerayasahiisa ayaa si weyn u diidan magacaabista xilka Ra’isul Wasaaraha ee Musharrax Maxamed Al-Sudani oo ay aaminsanyihiin inuu aad ugu dhowyahay madaxda dowladda Iran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -