Tirada laga dhigayo golaha Wasiirada oo khilaaf ka jiro iyo Magacaabista Wasiirada oo…

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa laga sugayaa in uu soo magacaabo golle wasiirro cusub, waxaana suurto gal ah in saacadaha soo aadan Ra’isul Wasaaraha kusoo magacaabo golihiisa wasiirada.

Sida aan wararka ku heleyno Magacaabista golaha wasiirada ayaa dib u dhac ku yimid, waxaana is fahmi waa ka jiraa tirada laga dhigayo gollaha wasiirada oo madaxda sare ee dalka wadatashi ka leeyihiin.

Caqabada ugu weyn ee ka taagan magacaabista golaha wasiirada ayaa ah tirada guud ee Wasaaradaha oo horey u ahayd 26 wasaaradood, in dib loogu soo celiyo 18 Wasaaradood, ama la gaarsiiyo 30 Wasaaradood.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa soo jeediyay in golaha wasiirada laga dhigo ilaa 30-wasiir, halka Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha aadka ugu dhaw dhaw soo jeediyeen in wasiirada la yareeyo ama loo dhaafo tirida 26-ka si aysan caqabad ugu imaan.

Sida aan wararka ku heleyno Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa wadatashiyadii ugu dambeeyay ka leh magacaabista gollaha wasiirada , waxaana suurto gal ah in saacadaha soo aadan magacaabista dhacdo haddii la is fahmo.

Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa magacaaban muddo ka badan bil, waxaana la filayay in Ra’isulo Wasaaraha kusoo dhiso xukuumad cusub muddo ka yar bil si ay xilka ugala wareegaan wasiirada waqtigooda dhammaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -