Dowlada New Zealand oo go’aan cusub ka qaadatay heysashada hubka

Toddobaad kadib markii 50 qof oo muslimiin ah lagu dilay magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, ra’iisul wasaaraha dalkaas, Jacinda Ardern ayaa maanta sheegtay in dhammaan qoryaha kuwa milatariga oo kale iyo kuwa sida daran-dooriga u dhaca la mamnuucay.

Mamnuucistan oo ay maanta ra’iisul wasaare Ardern uga dhawaaqday magaalada Wellington, ayaa waxaa sidoo kale ku jira qasnadaha rasaasta badan qaada ee lagu kaydin karo laba wareeg oo rasaas ah, iyo aaladaha qoryaha caadiga u roga kuwa daran-dooriga u dhaca.

Ardern ayaa sidoo kale ku dhowaaqday qorshe dib u iibsasho oo ballaaran, si loogu dhiiri-geliyo dadka haysta hubka inay kusoo wareejiyaan dowladda.

Baarlamanka New Zealand ayaa la filayaa inuu ansixiyo mamnuucistan, marka kulankiisa xiga uu isugu yimaado bartamaha bisha April.

Dhinaca kale, mas’uuliyiinta ayaa sheegay in la aqoonsaday dhammaan myedadka 50-ka qof ee lagu dilay weerarka, islamarkaana 20 ka mid ah lagu wareejiyo qoysaskooda, si loo aaso.

- Advertisement -