Askari baxsad ahaa si weyna loo baadigoobayay oo lasoo qabtay (Daawo Sawirro)

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan askari katirsanaa ciidanka milatariga oo maalin kahor Caabudwaaq ku dilay Sargaal katirsanaa ciidanka NISA iyo walaashiisa.

Labadii maalin ee lasoo dhaafay ciidamada Galmudug oo kaashanayay ciidanka dowladda, kuwa Puntland iyo ciidamada dowlad deegaanka ayaa baadigoob ugu jiray askariga dilka geestay oo horey loo sheegay in uu u baxsaday dhinaca gobolka Mudug.

Ciidamada ayaana howlgal xalay sameeyeen kusoo qabtay Axmed Dhagadheere oo labo maalin kahor dil aad looga naxay Caabudwaaq ugu geestay taliye kuxigeenkii ciidanka NISA ee Galmudug Faarax Cumar Geelle iyo Walashiis Xaawo Cumar Geelle.

Saraakiil iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Galmudug ayaa xalay askarigan gacan ku dhiiglaha ah kusoo bandhigay saldhiga degmada Caabudwaaq, waxa ayna ciidamada ninkan kasoo qabteen deegaanka Ceel-gargaar ee duleedka bari ee degmada Caabudwaaq.

Askarigan dilka taliyaha iyo walaashiis uu u geestay ka sokow waxa uu sabab u noqday geerida nin kale oo la dhashay marxuumiinta iyo labo nin oo kale oo ehel u ahaa labada qof oo la dilay kuwaa oo tacsida iyaga oo u soo socda shil gaari ku dhintay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -