Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Waxbarashada Maamulka Puntland oo codsi yaab leh u diray shacabka

Wasiirka Waxbarashada Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay u baahan yihiin in laga caawiyo, sidii loo heli lahaa dhaqaalaha lagu saxayo imtixaanaadka dugsiyada sare oo aan wali la saxin.

Wasiirka ayaa xusay in dhaqaale la’aan awgeed ay wasaaradiisu qaban la’adahay howsha lagu saxayo imtixaanka

“Shacab weynaha Puntland iyo waalidiinta aan xitaa carruurtoodu dugsiyada u dhigan, qurba joogta ayaan rabnaa inay ka qayb-qaataan oo xitaa saxaafadaan rabnaa inay ka qayb-qaataan “ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xassan oo  hadalkiisu uu ka fajaciyey dad badan.

Cabdullaahi Maxamed Xasan ayaa sheegay in lacagaha imtixaanaadka lagu saxo ay bixin jireen waalidiinta, dowladda Puntland, iyo hay’ado uu sheegay in ay gacan ka siin jireen arrimahaas balse ay waayeen dhaqaalihii ay hay’adaha ka heli jireen.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in Puntland ay adduunka la wadaagto dhaqaale xumida soo wajahday, sixid la’aanta imitixaanka ay arrintaas sabab u tahay.

Related posts

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka shifay shirar hoose oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya

Cabdi Cade

Gudoonka Baarlamaanka Kenya oo go’aan ka gaaray Xildhibaanadii Muqdisho yimid

Cabdi Cade

Weerar caawa ka dhacay Maqaayad ku taalla Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---