Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka shifay shirar hoose oo ka socda Madaxtooyada Soomaaliya

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in maalmahan xarunta Madaxtooyada dalka uu kulamo hoose uga socda Madaxda ugu sareysa dowlada federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Warsame in shirarkan yihiin kuwa ay uga arinsanayaan sida ugu macquulsan ee mudo kororsi ku sameesaan karaan xili mudo xiloodkooda ka harsan yahay bilooyin kaliya.

”Maalmahan Villa Somalia waxaa ka socda kulammo u dhexeeya afar nin oo muddo xileedkoodii dhammaad ku dhow yahay. Waxay isku sheegeen in ay muddo kororsi sameystaan, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinkuna u xalaaleeyo. Madaxweynaha oo arrinkaan hormuud u ah ayaa la waydiiyey sidee muddo kororsi ku dhacayaa iyadoo ay gobolladii iyo xisbiyadii mucaaradka diidan yihiin. Wuxuu ku jawaabay hadii aan afateenaan iyo adeer Madera isku raacno cid kale looma baahna.” ayuu yiri Mr Warsame.

Waxa uu sheegay in aysan xoog ku heesan karin afartan nin in mudo kororsi sameeyaan taladana xoog kusii heestaan, waxa uuna ka digay qorshaha mudo kororsiga ee madaxda Dowlada wadaan.

”Haddii dalkaan afar nin iyo adeerkood xukunka xoog ku qabsan karaan Ilmo Dahabo Toolmoon ayaa laga warsanayaa. Ee Soomaaliyey haddii afartaas nin Dastuur iyo doorasho diidaan sow la mid maaha ‘Juxihii laantii uu saarnaa jarayey”’ ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xili wali go’aan laga gaarin in doorasho dalka ka dhaceysa sanadka soo socda , walina lama shaacin nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa iyadoona siyaasiyiinta mucaaradka shaki badan muujinayaan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -