Weerar caawa ka dhacay Maqaayad ku taalla Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa caawa weerar ku qaaday maqaayad ku taalla agagaarka isgoyska Fagax. degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Laba qof ayaa la sheegay in lagu dilay weerarkaasi, waxayna wararku intaas ku darayaan in midkood uu ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida Qaranka, halka qofka kale uu shacab ahaa.

Dilka labada qof kadib waxaa goobta ka baxsaday dableydii weerarka geysatay.

Wararka ayaa sheegaya in askariga ka tisan NISA uu dhaawac culus soo gaaray, kadibna uu geeriyooday, waxaana lagu magacaabi jiray Axmed Nuux, waxaana rasaas lagu furay xilli uu fadhiyey Maqaayad ku taalla Isgoyska Fagax, iyadoo qofka kale oo goobta ku sugnaa ay haleeshay rasaasta.

Waxaa goobta dilka ka dhacay gaaray ciidamada amniga, iyadoo baaritaan ka sameeyay halkaasi, inkastoo aan la qaban ragga dilkaasi geystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -