Gudoonka Baarlamaanka Kenya oo go’aan ka gaaray Xildhibaanadii Muqdisho yimid

Afhayeenka baarlamaanka dalka Kenya Justin Muturi ayaa ka hadlay Xildhibaano Soomaali Kenyan ah oo safar qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdiho lana kulamy Madaxweynaha Soomaaliya iyo masuuliyiin kale.

Xildhibaanadan ayaa markii ay ku laabteen magaalada Nairobi waxaa su’aalo weediiyay ciidamada booliiska, waxaana soo baxayay warar sheegaya in Xildhibaanadan ku kaceen qiyaano qaran lana marisinayo ciqaab.

Afhayeenka baarlamaanka Kenya Justin Muturi oo ka hadlay kulan shalay yeesheen Xildhibaanada ayaa cadeeyay in aysan wax ciqaab ah la kulmeyn Xildhibaanada safarka Qarsoodiga ah ku tagay Muqdisho.

Waxa uu sheegay Justin Muturi in qodobka 260 uu ka hadlayo in Xildhibaanada marka ay safar dibadda ah aadayaan laga doonayo in ay fasax qaataan balse uusan qodobkaasi ku xusneyn ciqaabta uu mari karo Xildhibaanada aanan fasaxa qaadan.

Hadalkan kasoo yeeray Gudoonka Baarlamaanka Kenya ayaa meesha ka saaraya hadal heynta ku aadan in la ciqaabayo Xildhibaanada Soomaali Kenyanka ah ee Muqdisho ku yimid Safar aysan dowlada Dhaxe ee Kenya ka war heyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -