Ciidamada Amniga oo Muqdisho ku qabtay rag dhibaato ku hayay Shacabka

Ciidamada amniga ee ka howlgala degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir ayaa saakay ku guuleestay in ay gacanta kusoo dhigaan koox burcad ah oo dhac iyo dhibaatooyin kalaba u geesanayay dadka shacabka ah.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada oo helay xogta kooxo burcad hubeesan oo dadka dhac u geesanayay ayaa ku guuleestay in ay qabtaan kooxaha burcada ah, xilli ay dad shacab ah moobeelo ka dhacayeen.

Sargaal katirsan maamulka degmada Hiliwaa ayaa sheegay in ciidamada qabteen afar nin oo hubeesan oo dhacayay dad shacab ah, waxa uuna xusay in burcadaasi loo gudbiyay xarunta dambi baarista ee CID-da.

Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkan kusoo batay burcada hubeesan ee dhaca u geesanaya dadka shacabka ah, waxaana kooxaha burcada qaarkood oo wata dareeska ciidanka dhaca ka geestaan inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -