DEG DEG: Mid ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaalida ugu waaweyn oo geeriyooday

Shiikh Aadan Max’uud Xiiray (Aadan Siiro) oo ka mid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee caanka ah ayaa ku geeriyooday caawa dalka India.

Wararka ayaa sheegaya in Shiikh Aadan Siiro uu mudooyinkanba la ildarnaa xanuuno soo wajahay, loona geeyey dalka India si halkaas loogu soo daweeyo.

Shiikh Aadan Siiro ayaa ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee ku caan baxay faafinta diinta Islaamka, isagoo muddo dheer duruus kala duwan oo Diini ah ka bixin jiray Masaajid ku yaalla magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Tacsida Shiikh Aadan Siiro ayaa caawa si weyn u qabsatay baraha bulshada, waxaana dadka tacsida diraya ka mid ah qaar ka mid ah ardaydii uu wax soo baray, dad ku taxnaa duruustiisa diini aheyd iyo qeybaha bulshada.

 

- Advertisement -