Farmaajo & Rooble oo Isfaham hordhac gaaray iyo Wararkii ugu dambeeyey

Wadahadalkii u dhaxeeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa gelinki dambe ee maanta galay wajiga labaad, iyadoo wararku ay sheegayaan in qodobbada qaar la isku fahmay

Kulanka oo ay garwadeen ka ahaayeen ee ay dhexdhexaadinayeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka waxbarashada, Wasiir ku xigeenka Warfaafinta iyo xubno kale

Waxaa hadda socda kulan gaar ah oo u billowday Madaxweynaha Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble kaliya, waxaana dibeda loo saaray dhammaan xubnihii kale ee wajiga koowaad ee kulanka qeybta ka ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu codsaday inuu Ra’iisul Wasaare la yeesho kulan gaar ah oo ay uga doodayaan sidii farsamo ahaan loo fulin lahaa qodobbada la isku afgartay ee lagu xallinayo qalaalasaha jira.

ilo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in Rooble iyo Farmaajo ay isla garteen in arrinta Ikraan Tahliil loo daayo heyadaha baarista ee ku shaqada leh, iyadoo qodobkan uu ahaa kan ugu adag ee la isku hayey, waxaana laha wadahadlayaa sidii loo maareyn lahaa xilalkii iskhilaafsanaa ee labada masuul ay magaaceen maalmihii tagay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -