Maxaa ka jira in afhayeenka Al-Shabaab lagu dhaawacay Weerar ka dhacay Sh/hoose?

Dowlada Somalia ayaa sheegtay in afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali dheere) lagu dhaawacay weerar maalmo ka hor ka dhacay gobolka Sh/hoose.

Idaacada codka ciidamada ee loo yaqaano SNA radio ayaa baahisay in howlgal ciidamada Danab ka fuliyeen degaanka Shaam oo dhow Aw-dheegle lagu dilay 17 ka tirsan Al-shabaab.

Waxay idaacadu intaas ku dartay in sidoo kale lagu dhaawacay howlgalkaas 11 kale oo uu ku jiro afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali dheere).

Idaacada oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan ciidamada Danab ayaa tilmaantay in dhaawaca Cali Dheere la geeyey degaan hoos yimaada Degmada Kuntuwaarey ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Al-shabaab kama hadlin warkan, loogamana baran iney ka jawaabaan sheegashada noocan ah, Sidoo kale ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya ama beeninaya warka sheegaya in la dhaawacay afhayeenka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali dheere).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -