Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo si fudud ku lumiyay Taageerayaal badan uu lahaa

Waxaa warbaahinta bulshada aad ugu faafay muuqaal laga soo duubay siyaasiyaga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu ku sheegayo in dadkii martida u ahaa xoog wax ku raadinayaan, iyaguna ay sharci wax ku raadinayaan, dadweynuhu arrintaas tan iyo xilligii ay soo baxday aad ayaa loo hadal hayaa, waxayna dhaawac ugu horeeya u geysatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dad badan u arkayeen in arrintii dhacday faa’iidada ugu weyn ay isaga ku soo noqonaysay, khasaaraha ugu weyna ku dhacay ciddii amarka lagu soo qabanayey bixisay.

Arrintan oo kale siyaasiga ruug caddaaga ahi wuxuu isku dayaa in uu qaab cilmiyeysan uga faa’iideysto oo bulshadii ka dhiidhiday dulmigii lagula kacay qaab siyaasadeed uga faa’iideysto, waxaadse moodaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame in uu dhaawac aan ka yarayn kii ay ku talaabsatay dawladu uu isagu iskula kacay isaga oo aan dareensanayn, lagana yaabee in ay ku adkaatay in uu maareeyo faa’iidadii ay u keeneen arrimihii ka danbeeyey xadhigiisii , iyo isgarabtaagii bulsho badan isgarab taageen iyaga oo diidaya dulmi noocuu doonaba ha ahaadee, lana difaacayey in qaab sharciya loo soo maro qofkii eed loosoo jeedinayo.

Cabdiraxmaan waxa uu xaalku ku noqday “Tuke Caano Waa Helaa, Mase Calafsado”
Waxaa u haboonaan lahayd Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame in uu arrintan qaab mustaqbaleed uga faa’iideysto, waayo bulshada diiday xadhiga cid walba way isugu jirtay, waxaana u haboonayd in uu qaab siyaasadeed iyo kooxeed u dhigo, haddase bulshadii waxay u fahantay nin qaab qabiileed miisaan wax u saaray, waxayna arrintani raad ku yeelatay bulsho badan oo hadalkaas ka soo yeedhay aan jeclaysan, arrimahan oo kalena waxay u baahan yihiin in qaab taxadar ku jiro uu u maareeyo Waraame ,Muqdishana waa magaalo Soomaaliyeed oo aanu qofna marti ku ahayn, bulshada badan ee ka hadashayan waxa ay ku tusaysaa sida weedhaas loo dhibsaday qaabkasta oo uu C.C.Warsame  ula jeeday.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame inkasta oo uu siyaasadda ku soo jiray 10kii sanno ee ugu danbaysay haddana arrintani waxay muujisay bisayl yaraanta Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaanse u rajeynaynaa in uu hadda wixii ka danbeeya arrimaha oo kale aanu ku degdegin ee uu ka feejignaado.

W/Q Safaana Xaaji

Safaanahaji@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -