Xulka Jubbaland oo ku guuleystay Koobka K/Cagta ee Ciyaaraha dowlad goboleedyada

Xulka Jubbaland ayaa galabta ku guuleystay Koobka Kubada Cagta ee ciyaaraha Maamul goboleedyada ka dib markii ay 1-0 ku ugu awood sheegatay xulka Puntland oo final ay isugu soo hareen.

Ciyaartan oo ahayd mid xiiso badan ayaa ka dhacday garoonka Konis Stadium ee magaalada Muqdisho waxaana soo buuxiyey taageerayaal badan oo kala ruxayey calanka labada dowlad goboleed.

Qaybtii hore ee ciyaartat waxay labada koox ku kala nasteen 0-0 waxaana markii la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta kooxdii ka socotay Jubbaland u suuro-gashay inay dhaliyaan goolkii guusha.

Laacibka Nambarka lixaad uga uga cayaara ee Yoosin C/raxmaan Maxamed ayaa u saxiixau xulka Jubbaland goolka kaliya ee ay ku hantiyeen koobka.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay cayaar wanaag, waxayna iska khasaariyeen fursado badan oo ay goolal ku dhalin kareen,

Kooxda Puntland ayaa sannadkii hore koobkan ka qaaday Jubbaland, iyadana maanta Koobkii ay difaacanaysay ayaa maanta markeeda lagala dheelmaday.

Dabaaldegyo waaweyn ayaa ka socda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose, kuwaasoo ay sameynayaan dadweyne ku faraxsan guusha Juballand ku hanatay koobka ciyaaraha Maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -