Dal Afrikan ah oo taageeray Go’aankii Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus

Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay qaraar ka hor imanaya go’aankii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu Caasimadda Isra’il ugu aqoonsaday magaalada Qudus.

Qaraarka loo codeeyay ayaa dhigaya in la buriyo go’aan kasta oo wax ka beddelaya xaaladda haatan ay ku sugan tahay Magaalada Qudus, waxaana qaraarkaasi ogolaaday 128-wadan.

Qaar kamid ah Wadamada Qaarada Afrika ayaa taageeray qaraarka ka hor imaanayay go’aankii Madaxweyne Trump, halka sidoo kale ay ka aamuseen dhoor wadan kale oo Qaarada Afrika kuyaaka.

Dalka Togo ayaana noqday dalka kaliya ee kuyaala Qaarada Afrika ee taageeray Go’aankii Madaxweynaha dalka Mareykanka ugu aqoonsaday magaalada Barakeesan ee Qudus in ay tahay Caasimada Israa’il.

Togo waxay ka mid tahay sagaalka dal ee keliya ee diiday qaraarka Qaramada Midoobey, waxaana Dalalka kale ee taageeray Go’aankii Trump ahaayeeb Israel, Guatemala, Honduras, Jasiiradaha Marshall, Micronesia, Nauru, Palau iyo Mareykanka.

Wadamada Ugandha, Rwanda iyo South Sudan ayaa ka aamusay in ay dhinac taageeraan, halka Dalal waa weyn oo Qaarada Afrika kuyaala sida South Africa , Nageria iyo Itoobiya u codeeyeen qaraarka ka dhanka ah go’aankii Trump ee magaalada Qudus.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -