Qarax Goordhaw lala eegtay xubno katirsan guddiga Doorashada Heer federaal

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso lala eegtay xubno katirsan guddiga doorashada heer federaal, qaraxan ayaana ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Jowhar iyo garoonka diyaaradaha magaaladaasi.

Qaraxa miino ayaa haleelay gaari nuuciisu ahaa Hilux uu la socday Eng Mahad Cumar Cabdi oo katirsan xubnaha guddiga doorashada heer federaal, waxaana gaariga xilliga la qarxinayay kusii jeeday garoonka Jowhar uu safar kasoo ahaa Eng Mahad.

Sida aan wararka ku helnay waxaa qaraxan ka badbaaday Eng Mahad Cumar Cabdi oo katirsan guddiga doorashada heer federaal, waxaana qaraxa la sheegay in ay ku dhinteen labo askari oo ilaalo ka ahaa gaariga qaraxa lala eegtay.

Ciidamo katirsan maamulka Hirshabelle ayaa degdeg u gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaano lagu raadinayo dadkii qaraxa miino ka dambeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -