Hay’ada samafalka Shacabka oo sanadkan afurineysa 20-kun oo danyar ah (Ka qeyb qaado)

Hay’ada samafalka shacabka waa hay’ad si dhow ula shaqysa bulshada gaar ahaan kuwooda taagta daran ee Soomaaliyeed. Ujeedada ugu wayn waxaytahay kaqayb qaadashada hormarinta iyo caawinta dadka fuqarada ah.

Ayadoo lagu jiro xili abaaro ah lana sugayo bisha barakaysan ee ramadaan, hay’addu waxa y u istaagtay Sanadkii 3 aad Afurinta bulshada ku soo barakacday Goblka Benaadir iyo daafaheeda, anagoo u kaashanayna alaah SWT kadibna shacabka Soomaliyeed ee samaha jecel iyo dhamaan cidii ka qeybqaadankarta u samafalka shacabka.

Nidaamka shaqada.

Hay’adda samafalka shacabka April 2017 waxay abaabushay qorshe ay ugu magacdartay “iskutashi” oo ay ku afurinayso walaalaha aan awoodin inayhelaan afurka bisha barakaysan ee ramadaan.

Afurintii 1 aad ee sanadka 2017 hay’addu waxay afurisay 4,136 rux maalinkasta , halka afurintii 2 aad ee 2018 ka ay afurisay 15,000 oo rux ee ku dhaqan gobalka Benaadir iyo daafihiisa sanadkaan May 2019 hay’addu waxay qorshaynaysaa 20,000 oo barakacayaal ah in ay afuriso

Hay’addu waxay u qoondaysay in qofkiiba lagu afurin karo kaliya 1.2 dollar maalintii , $36 ama 35 bisha dhan oo ah 30-29ka maalin ee bisha soonqaad.

Sidaa darted hay’aadu waxay ka codsanaysaa qofwalba oo qayrka jecel in uu kaqayb qaato afurinta haduu awoodo 10 , 5, 1 qof wixii awoodisa ah uu ilaah ugu dhawaanayo walaal ina-ga la qayb qadado khayrka iyo wanaga aan bulshada isaga dhaxsamaynayno anagoo ka duulayna kitaabka iyo sunada (RSCW)

Walaal waxaa hay’adda kala soo xariirikartaa :

Xafiiska hay’aada samafalka shacabka , deg. Waabari kasoo horjeedka Hotel wehliye , kushiinka wuxuu kuyaalaa Deg. Wardhiigley zoone fiiftiimey

Phone: +252612706133 +252612706132

Salam Bank: 31312332 Premier Bank: 030300354001

Xawaaladaha

Amal Express, Taaj express, Dahabshiil express

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -