Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne caan ah oo kasoo horjeestay in si deg deg ah loogu hambalyeeyo Joe Biden 

Qaar kamid ah Hogaamiyaasha wadamada Caalamka ayaa si deg deg ah hambalyo ugu diray Musharaxa ku guuleestay Doorashada Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, xili aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin cida ku guuleesatay doorashada.

Madaxweynaha dalka Mexico Andres Manuel Lopez Obrador, oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in aan lagu deg degin u hambalyeynta Joe Biden , waxa uuna ku baaqay in la sugo arimaha sharciga.

“Ma dooneyno inaan noqono kuwa aan qaangaadhin, ma dooneyno inaan si fudud u dhaqano oo waxaan dooneynaa inaan ixtiraamno aayo-ka-tashiga dadka iyo xuquuqdoodaa.” ayuu yiri Madaxweynaha Mexico.

Hadalka Madaxweynaha Mexico ayaa kusoo aadaya xili musharaxa loo badinayo in uu ku guuleestay doorashada Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden u direen hambalyo, waxaana hogaamiyaasha hambalayda diray ku jira Madax caan ah oo hogaamisa dowlado waa weyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho kusoo laabtay Kaddib is faham uu lasoo gaaray Uhuru Kenyatta

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Taliban oo beeniyey warar laga faafiey

Caydiid Ali

Meydka qof kamid ah dadkii ku dhintay Mashaqadii Baladweyne oo saakay la helay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---