Booliiska oo Shaaciyay cida Masuulka ka ah Falalka amni darro ee Muqdisho kusoo korortay

Amniga magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay noqday mid sii xumaanayay, waxaana magaalada kusoo batay falalka amni darro ee geesanayaan kooxo burcad hubeesan oo dadka dhac iyo dilal u geesta.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed {Xijaar} ayaa maanta shir looga hadlayay xaalada amni darro ee kusoo korortay caasimadda la qaatay saraakiil katirsan ciidanka booliiska .

Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo Warbaahinta la hadlay shirka kadib ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabihii looga hadlay shirka , waxa uuna sheegay in looga dooday amniga caasinadda iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Waxaa uu sheegay afhayeenka in amniga caasimadda ee sii xumaaday qeyb weyn ku leeyihiin dhallinyarada ciyaal weerada ah ee ku sugan qeybo kamid ah Muqdisho,kuwaa uu tilmaamay in ay isku badaleen burcad dhac, dil iyo dhibaatooyin kalaba geesta.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada booliiska bilaabayaan howlgalo cusub oo ka dhan ah ciyaalka weerada iyo burcada dadka ku dhibaateenaya Muqdisho, waxa uuna u digay waalidiinta dhalay ciyaalka weerada inta aan la qaban kahor in ceshtaan wiilashooda.

Waxa uu cadeeyay afhayeenka in cidii lagu qabto iyada oo weero ku jirta ama dadka shacabka ah dhibaataynaysa ay tilaabo adag ka qaadi doonaan, sidoo kalena ay beegsan doonaan Ciidamada dadka iibiya iyo kuwa Guryahooda lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya.

Shirkan maanta yeesheen taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa imaanaya xilli amniga Muqdisho meel xun gaaray, waxaana sii kordhay burcada dadka shacabka ah dhaca iyo dilalka ugu geesanaya xaafado katirsan Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -