Ciidamo Soomaali iyo Ajaaniib ah oo Weeraray Guri uu lahaa Madaxweynihii hore ee Somalia

Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya ay wehliyaan ciidamo Ajaaniib ah ayaa labo habeen kahor waxa ay weerar ku qaadeen guriga Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde).

Sida aan Wararka ku helnay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya iyo ciidamo ajaaniib ah oo watay diyaaradaha Qumaatiga u kaca ayaa weerar ku galay beer iyo guri uu Deegaanka Janaale ku leeyahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Dr Siciid Aadan Cadde ayaa Idaacada BBC-da u sheegay in Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamo ajaaniib ah weerar ku qaadeen xili habeen bar ah beer iyo guri uu aabahood ku lahaa meel ku dhaw Janaale.

“Beerta Aadan cadde meel u dhow ayey ku soo degeen, laakin markii dambe ayey beerta u soo gudbeen, waxayna u sii dhaafeen guri beerta ku dhex yaallay oo uu ku noolaa madaxweynihii hore, Aadan Cabdulle” ayuu yiri Dr Siciid.

Waxa uu sheegay Dr Saciid in ciidanka ay albaabada jabiyeen xoogna ku galeen guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya , waxa uuna intaa ku daray in ciidanka horey usii qaateen agab gurigaasi yaalay.

Ciidamada dowlada ayaa guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka ka xeesteen sadex wiil oo gurigaasi ku sugnaa sida uu sheegay Dr Saciid oo kamid ah Wiilashada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Beerta iyo gurigaba waxay ka badbaadeen dawladihii dalka soo maray, dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay, iyo Al Shabaab, waana markii ugu horraysay ee la weeraro guri uu leeyahay madaxweyne hore oo Soomaaliyeed.

Dowlada Soomaaliya ayaan wali si rasmi ah uga  hadlin weerarkan ciidanka Gaarka ah ee dowlada ku qaadeen guriga uu waqti badan ku noolaa  Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Aadan Cadde .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -