Allbanaadir.com
NEWS

Munaasabd Xil-wareejin ah oo ka dhacday Xafiiska Ra’isul Wasaare Xamse (Sawirri)

Munaasabad kooban oo maanta ka dhacday xafiiska Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xilka waxaa kula wareegay xoghayaha joogtada  ee xafiiska Ra’isul Wasaaraha.

Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay xoghayihii hore ee xafiiska Dr. Maxamed Ibraahim Nuur.

Munaasabada xil-wareejinta ee maanta ka dhacday xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha, Agaasimeyaasha, la taliyeyaasha iyo howlwadeennada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’isul Wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa dhawwaan wareegtooyin uu soo saaray ku magacaabay xoghayaha joogta xafiiskiisa, agaasimayaal iyo sidoo kale lataliyaal.

[

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo wada qorshe Israel ku qasbaya xabad joojin

Caydiid Ali

Dhibaato ka taagan Muqdisho oo Dowladda wax ka qaban weysay oo Al Shabaab loogu yeeray

Cabdi Cade

Madaxweyne hore oo caan ahaa oo geeriyooday iyo gabadhiisa oo …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---