Xaaska Hoggaamiyihii Kooxda Daacishta Soomaaliya oo Xukun lagu riday

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday xaaska hoggaamiyaha ugu sareeya kooxda Daacish ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Haweeneyda xukunka lagu riday oo lagu magacaabayay Fartuun Cabdirashiid Xuseen ayaa sidoo kale isticmaalaysay magacyada kala ah (Faa’iso, Aasiyo iyo Faysa) haweeneydan ayaana  loo soo xeray kamid ahaanshiyaha Daacish iyo u qaabilsanaanta arrimaha lacagta 21/03/2022.

Ciidamada amniga ayaa haweeneydan kasoo xiray xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Hilwaa, waxa ay hay’adda nabbad sugidda ogaatay in xeriir shaqo kala dhexeeyay madixii warbaahinta kooxda Daacish ahaana isku xeraha Daacishta Soomaaliya iyo tan kale ee dunnida Bilal-Alsidani, hoggaamiyahan ayaa howlgal gaar ah ku dileen ciidamada caawiya Soomaaliya,  27-kii bishan Janaayo si ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.

Haweeneydan ayaa hadda ah xaaska hoggaamiyaha Daacish Cabduqaadir Muumin, waxa la iska baray telephone-ka 2010, xilligii uu Alshabaab ahaa, kana tirsanaa waxa ay ugu yeeraan maktabka Dacwada, 2011 ayay ku aqal galeen Muqdisho.

2012-kii ayay Al-Shabaab Cabduqaadir Muumuin u direen wakiil ahaanshiyaha dhulka Bari ee Puntland, way la guurtay, waxa ayna ugu dhexeysay meelaha uu ku sugnaa inkastoo deegaan rasmi ah u ahaa Gaalkacyo.

Sannadkii 2021 ayay u soo guurtay Muqdisho, waxa ay si gaar ah ugu xil-saarnayd lacag u diridda teleefoono gaar ah oo ay badi lahaayeen haween la safan Daacish, waxa ay marti gelin jirtay xubnaha Daacish ee magaalada soo gala ama kuwa ku cusub.

Xafiiska xeer ilaalinta ayaa lagu soo wareejiyay eedeysanaha dabayaaqadii November, waxa ay baaris dheer kadib dalbadeen Dacwad qaadista Fartuun .Fadhigeedii u dambeeyay ee Maxkamadayn ayay soo dhamaysatay 17-kii January 2023.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen 8-sano oo xabsi Ciidan ah , sida uu waraahinta u sheegay gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Qalabka Sida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -