Xasuuq cusub oo ka dhacay dalka Itoobiya iyo Ra’isul Wasaare Abiy oo ka hadlay

Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya gaar ahaan gobolka Oromiya ayaa ku waramaya in deegaano katirsan gobolkaasi ka dhaceen xasuuq dad badan oo shacab ah oo ka kasoo jeeda Amxaarada loo geestay.

Weerarkan oo ka dhacay shalay deegaano hoostaga degmada Hawa Gellan ee gobolka Oromiya ayaa lagu beegsaday dad kasoo jeeda qowmiyada Amxaaraada, waxaana weerarkan la sheegay in uu socday saacado badan dad badana lagu xasuuqay.

Dadka lagu xasuuqay weerarka shalay ka dhacay galbeedka gobolka Oromiya ayaa lagu soo waramayaa in ay ka badan yihiin 150-qof, waxaana suurto gal ah in tirada intaasi in ay kasii bataan maadaama aan wali laheyn tirakoob rasmi ah.

Labo isbuuc kahor ayaa weeraro kuwan lamid ah oo lagu beegsaday deegaan ay degan yihiin qowmiyada amxaarada lagu dilay dad ka badan 400-qof, waxaana tirada dadkaasi la xasuuqay la sheegay in ay intaasi ka badan karaan.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan dadka badan lagu laayay, waxa uuna Abiy ku eedeeyay weerarkan in ay ka dambeeyeen Jabhada OLF ee ka dagaalanta gobolka Oromiya.

Abiy ayaa sheegay in jabhada OLF dad badan oo shacab ah ku xasuuqeen Galbeedka gobolka Oromiya, Ra’isul wasaaraha ayaana shaacin tiradad dadka ay xasuuqeen kooxda OLF ee ka dagaalanta gobolka Oromiya.

Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka taagan qalalaase xoogan oo salka ku haya isku dhacyo qowmiyadeed , waxaana dhacdooyinkan ka dhacay gobolka Oromiya ee lagu xasuuqay dadka kasoo jeeda Amxaarada uga sii darayaan xaalada Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -