Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Shaaciyay hadal niyad jab ku abuuraya maamulka Somaliland

Safiirka dowladda Mareykanka u jooga Soomaaliya, Larry Andre ayaa meesha ka saaray damaca maamulka Somaliland ku doonayo in ay ku noqdaan dal ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale.

Larry Andre ayaa munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis ka sheegay in dowladda Mareykanka ay Soomaaliya ka aaminsan yahay hal ayna aqoonsan yihiin xuduudii la sameeyay xilligii xuriyadda.

“Siyaasaddeenu waa mid la mid ah 62-kii sannadood ee u dambeeyay, oo ah Soomaaliya taariikhi ah, xuduudaheeda taariikhiga ah, tan iyo markii ay isku biireen waxii loo aqoon jiray British Somaliland iyo Italian Somaliland oo ay hal dal wada dhisteen,” ayuu yiri safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.

Danjiraha ayaa sheegay in aqoonsiga wada-hadallada maqaamka madax-bannaanida Somaliland ay tahay mid ku xiran wadahadalada labada dhinac,waxa uuna xusay in Mareykanka uu wax ka bedeli doono siyaasaddiisa Soomaaliya oo hal ah haddii labada dhinac ay ku heshiiyaan in xaalad isbedel ah la sameeyo.

Hadalka safiirka ayaa niyad jab ku abuuraya maamulka Somaliland, waxaana hadalkan kusoo aadayaa xilli Madaxweynaha maamulka Somaliland booqasho ku tagay Mareykanka ka codsaday in ay aqoonsadaan maamulkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Qaraxyo ciidamada DF iyo kuwo Maraykan ah lagula eegtay Sh/hoose

Caydiid Ali

Eeyaha jooga Gaza oo bilaabay in meydadka cunaan iyo xaalad adag oo ka taagan Isbitaalka …

Cabdi Cade

Jaaliyadda Soomaalida ee Turkiga oo aad u amaanay waxqabadka Safiirka Soomaalida!!

admin
Taboola Ads ---