Faahfaahin: Qaraxyo ciidamada DF iyo kuwo Maraykan ah lagula eegtay Sh/hoose

Qaraxyo ayaa maanta barqadii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ay wehlinayeen kuwa Mareykan ah lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Sh/hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxyada oo ahaa nooca miinada ciidamada wada socday lagula eegtay duleedka degaanka Leego.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxyada, kadib ciidamada huwanta ay howlgallo kooban ka sameeyeen deegaanka, iyagoo soo qabqabtay dad lagu tuhunsan yahay iney ka dambeeyeen.

Lama oga illaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi loo adeegsaday qaraxyada ee lala beegsaday kolonyada ay wateen ciidamada DF iyo kuwa Maraykanka oo la socday gaadiidka gaashaaman.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi ayaa shaacisay inay la beegsatay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Bangarafta Soomaaliya iyo kuwa cadaan ah ayna gaarsiiyeen khasaare kala duwan.

Ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya jooga oo tiradooda rasmiga aan la ogeyn balse lagu qiyaaso illaa 500 oo askari ayaa saldhig weyn ku leh xerada Bali-doogle oo ku dhow degmada Wanle-weyn, iyagoo inta badan ciidamada DF ka caawiya dhinacyada tababarada iyo talooyinka la xiriira la dagaalanka Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -