Jaaliyadda Soomaalida ee Turkiga oo aad u amaanay waxqabadka Safiirka Soomaalida!!

Wararka ka imaanaya safarada somaliya ay ku leedahay Dalka Turkiga ayaa sheegaya in safaaradaas dib u habayn xoogan ay ku samaysay bilihii la soo dhaafay, qaabka howlo ay safaaradaasi ula shaqayso somalida ku Nool dalkaasi.

Somalida ku Nool dalkaasi ayaa amaan kala dul dhacday howsha Culus oo ay hayaan shaqalaha safarada somaliya ee turkiga oo uu hormuudka u yahay Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed iyo howl wadeenada safaarada.

Safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Dalka Turkiga ee uu Safiirka ka yahay Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed waxay ka midtahay safaaradaha fara ku tiriska ah ee Caalamka ku yaal oo Xiligaan shaqada fiican qabtay, Kuwaas oo Dalalka ay Wakiilka ka yihiin ka dhaa dhacsiiyay Baahida Xiligaan ay Qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka somaliya ee Dalka Turkiya iyo Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Ardayda Soomaalida ee Dalkaas

Safiirka ayaa waxa uu kulamo kala Duwan la yeeshaa ardayda wax ka Barata Dalka Turkiga Jaamacad ilaa iskuulada kale, waxa uuna u Jeediyaa Qudbado kala Duwan, waxayna Somalida wax ku Barata Dalkaasi Turkiga Toos Xiriir ula leeyihiin safaarada Soomaaliya ee Turkiga, waxaana jira Xafiis gaar ah oo qaabilsan arintaas.

Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed

Danjire Jaamac oo ah shaqsi ay amaneen Somalida Dagan Dalkaasi ayaa waxa uu Xiriir toos ah oo Usbuucle ah la yeeshaa shacabka Soomaaliyeed si uu u dhageesto baahida ay Qabaan waxaana la sheegay in uusan ku Eegin oo kaliya Qunsulka safaarada iyo Xog-hayaha safaarada oo uu Toos ula kulmo shacabka Soomaaliyeed ee Codsada Kulanka safiirka.

Wax muuqda ayey safaarada Soomaaliya ee Turkiga ka sameesay howlihii shaqo oo ay u heysay Soomalida halkaas dagan, waxaana ka mid ah in aad ka helayso adeega mar kasata aad uga baahato safaarada, hadaa tahay Soomali ama muwaadin Soomaaliyeed.

Soomaalida halkaas dagan waxay gaarayaan kumanaan qofood, waxayna si diiran u soo dhaweeyeen howsha shaqo ee safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Turkiga.

Soomaalida Turkiga ku sugan waxaa ka mid ah arday halkaas u joogta wax barasho, iyo Soomaali kale kuwaas oo ku hela dalkaas Xoriyad taam ah, Taasina waxaa Mas’uuliyadeeda qaaday safaarada Soomaaliya ee Turkiga iyo shaqaalaheeda oo Xili kasta u Heegan ah Qancinta Soomaalida halkaas Joogta.

Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed, ayaa ah safiirka Soomalida ee Turkiga , waxa uuna safaarada ku sameeyay isbadalk muuqda oo aan la dafiri Karin, taasi oo u muuqata mid ku sii Talaabsanaysa horumar la taaban karo.

Xili uu uu hayo safaaradaas mudo kooban waxayna la siman tahay safaarado horay u soo shaqeeyay, kuwaas oo waxqabadka safaarada Turkiga mudada kooban ay jirto la siman. Mudnaantaas ka Sowkow waxaa Mas’uuliyadeeda qaaday ama dhabarka u Ritay safaarada Soomaaliya ee Turkiga oo uu safiirka ka yahay Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed,oo ah Somali in badan ku soo dhex jiray howlaha shaqo ee Safaarada.

Safaarada Soomaaliya ee Turkiga waxay dagan tahay mid ka mid ah daaraha ugu Qurxoon Caasimada Turkiga, waxaana joogo shaqaale Soomaaliyeed oo loo Carbiyay soo dhawaynta dadka markaas soo booqda safaarada Soomaaliya ay ku leedahay Caasimada Turkiga Istanbul.
Sidoo kale danjire Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed,ayaa waxa uu si toos ah u qaabilaa Soomaalida safaarada shaqada uga baahato, halka aad arkayso marka aad tagto safaaradaha kale ee Soomaalida in ay ku Qaabilayaan shaqaalaha safaarada, Qunsulka safaarada iyo Xoghayaha safaarada, taasi oo kuu Muujinaysa in safiirka ay ka Go’antahay in uu wax la Qaybsado Somalida halkaas dagan.

La soco Qeybta kale warbixintaan
Wariye cabdixakiim Cilmi xasan
Cabdixakiin441@hotmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -