Allbanaadir.com
NEWS

Sanbaloolshe oo mar kale loo dooranayo kursigii uu banneeyay

Waxaa beri oo Jimco ah , taariikhdana ay ku beegan tahay 20-ka bisha June ee sannadka  2025, lagu wadaa in magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle ka dhacdo doorashada kursiga summadiisu tahay  #HOP058 uu horey ugu fadhiyay Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Kursigan xildhibaannimo ee katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya , ayaa horey meel loogu dhigay Sanbaloolshe, waxaana beri lagu wadaa in mar kale Sanbaloolshe kursigan dib u hanto uguna fariisto.

Qoraal kasoo baxay guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka, ayaa lagu sheegay in kursiga #HOP058 isku diiwaangeliyeen doorashadiisa Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) iyo Ismaaciil Warsame Faarax oo ah musharax malxiis ah.

Doorashada kursigan, ayaa ah mid loo xiray xildhibaankii horey ugu fadhiyay oo kursigan banneeyay markii loo magacaabayay Agaasimahha Hay;adda NISA oo mar kale laga qaaday, waxa uuna Sanbaloolshe ku laabanayaa shaqadiisa xildhibaannimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Gudoomiye Mursal oo Waji cusub lasoo baxaya iyo Madaxtooyada oo ka wal walsan !!

admin

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo magacaabay Guddi ay Wasiirro iyo Taliyaal ciidan ku jiraan

Cabdi Cade

Jadwalka Doorashada Dowlad goboleedka Hirshabelle oo lasoo saaray (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---